Guul ama Guuldaro

                                                     بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ                                                                Waxaa jira laba waddo oo nolosha ah: mid guul leh iyo mid guuldarro ah. Haddii aad ogaan lahayd sida uu Ilaahay kuu sugayo, sida uu kaaga aqbalayo towbada, iyo sida uu kugu furfurayo albaab kasta oo aad rabto, waligaa ma dareemi lahayd murugo iyo rajo-beel. Ilaahay wuxuu Qur’aankiisa ku caddeeyey in qofkii cabsida Alle yeesha, uu u yeelayo dariiq uu kaga baxo xaalad kasta, isla markaana uu ka irsaaqi doono meel uusan filayn. Waa ballan sugan oo Alle katimid, ballan aan  khilaaf lahayn:

                                                                                                                          وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّهُۥ مَخْرَجًۭا ۝٢ 

                                              وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ ۚ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُۥٓ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ بَـٰلِغُ أَمْرِهِۦ ۚ قَدْ جَعَلَ ٱللَّهُ لِكُلِّ شَىْءٍۢ قَدْرًۭا ۝                                                                                                                                                  ا

                                                                                                                        وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّهُۥ مِنْ أَمْرِهِۦ يُسْرًۭا 

"Ruuxii kacabsada Allah, wuxuu u yeelaa meel uu kaga baxo (dhibka), wuxuuna ka irsaaqaa meel aanu filaynin. Ruuxii talo saarata Allah, wuu ku filan yahay, Allah wuxuu dhammeeyaa amarkiisa, wax walbana wuxuu u yeelay qadarkooda."
(Suuradda At-Talaaq: 65:2-3)

Haddii aad ogaato in guushaadu ay ku xirantahay cabsida Alle, maxaad uga haraysaa dadaalka? Sidee baad ugu dadaali kartaa himiladaada oo aad uga gaabin kartaa cabsida Alle? Ogow, cabsida Alle waa dariiqa ugu dhow ee lagu gaari karto dhammaan hamikasta.. Waxaa la dhahay: qofkii cabsida Alle yeesha, adduunyadiisu way u fududaanaysaa, aakhiradiisuna waa u nuuraysaa.

Bal sawiro, maalin aad caqabad weyn la kulantay; halkii aad u carari lahayd dad, ama aad murugo la dhici lahayd, waxaad aadday masaajidka, laba rakcadood ayaad tukatay, si daacad ah ayaad Alle wax u weydiisatay, ka dibna arrintaadii si cajiib ah ayaa lagugu furfurey. Dadkii wanaagsanaa qarkood waxay dhihi jireen: "Waxaan u istaagnaa salaad illaa aan aragno hawshayadii oo isfurfurtay."          ( gaar ahaan marka aytahay fahanka diinta) taas macnaheedu waa, qofkii Ilaahay xaggiisa u laabtaa, wax walba waa u fududaanayaan.

Sidokale haddii aad Qur’aanka si fiican ugufirsato, waxaadku arkaysaa nebiyo badan oo ummadooda kula dardaarma inay istiqfaarta badsadaan. Waxay yiraahdeen: "Haddii aad istiqfaarsataan, Ilaahay cirka ayuu idiin irmaanaynayaa, xoolahana iyo reerahana wuu idiin barakaynayaa, ."

Ma culays baa in aan istiqfaarsano annagoo socona, fadhina ama jiifna? Ma dhib baa in halkii aan dad kale wax ka weydiisan lahayn,in aan marka hore labo rakcadood tukanno? Waa su’aalo muhiim ah oo qof walba u baahan yahay inuu naftiisa weydiiyo.

Maxaa Dhici cara Haddii Cabsida Alle Lagatago?
Ilaahay wuxuu inoo sheegay cawaaqibka qofkii ka jeesta xuskiisa:

"Ruuxii ka jeesta xusuusteyda, noloshiisu waxay noqon doontaa mid ciriiri ah."               (Suuradda Taa-Haa: 20:124)

Tani waa xaqiiqo nololeed. Dad badan oo adduunka haysta xoolo fara badan, mansab sare iyo nolol qurxoon ayaa haddana ku jira walbahaar, cadaadis iyo niyad-jab. Maxaa yeelay, noloshooda waxaa ka maqan xusuusta Ilaahay. Qofkii Alle ka fogaada, waligiis farxad dhameystiran ma heli doono, inkastoo ay ummadu u haysato inay guulaysteen hadana waa dhalanteed. Haddii aad dooneyso nolol fudud, farxad leh, oo barakaysan, ha katagin cabsida Alle. Wax walba waa lagu heli karaa, laakiin cabsida Ilaahay waa shuruuda koobaad. Ku dadaal cibaadadaada, alle xaggiisa u laabo, oo xusuuso in qofkii Alle u laabta, uusan waligiis rajo beelin. Waxaa lagaa rabaa inaad maanta go'aan qaadato: in cabsida Alle aykunoqoto tooshaka guushada,  ilaa aadgaadho dhamaadkii nolashaada oo noqondoonta midaad kunasato abid. Qofkii kajeestana Alle haba murugood wixii kudhicina hakudhacaan ileen Ilaahayba dankamalahee. Balse Alle hanagadhigo kuwii kabadbaada fitantaas. Amiin.  

Previous Post Next Post

Chinese Drama

Magspot Blogger Template

نموذج الاتصال

Email Us
Email Icon