Buugga Eat That Frog! oo uu qoray Brian Tracy! waa buug dhiirrigelin iyo horumar shaqsiyadeed ah oo xoogga saaraya sida loo joojiyo dib-u-dhigga (procrastination) iyo sida loo kordhiyo wax-soo-saarka shaqo ee maalin walba. Waxaa qoray Brian Tracy, oo ah qoraa iyo khudbadeeye caan ah, wuxuuna buuggan ku salaynayaa hal tusaale muhiim ah: “Haddii waxa ugu horreeya ee aad subax walba samayso ay tahay inaad cunto rah nool, markaa maalintaas wax ka xun ma dhici doonaan.” Raha uu qoragu ka hadlayo ma aha kuwo dhab ah, balse waxay astaan u yihiin hawsha ugu culus, ugu muhiimsan, ee aad ka cabsato ama aad u badan tahay inaad dib u dhigto — hawshaas oo haddii aad marka hore qabato, ay noloshaada iyo shaqadaadaba si weyn u horumarin karto. Buuggu wuxuu soo bandhigayaa 21 talo oo wax ku ool ah oo kaa caawinaya inaad si habboon u kala hormariso shaqooyinka, aad diiradda u saarto waxa muhiimka ah, oo aad waqtiyada si caqli badan u maamusho. Waxaa lagu barayaa sida loo qorsheeyo maalintaada, loo dejiyo yoolal cadcad, iyo sida aad si joogto ah ugu dhaqaaqdo tallaabooyin dhab ah. Haddii aad tahay arday, ganacsade, shaqaale, ama qof kasta oo doonaya inuu wax badan qabto iyada oo waqtigu kooban yahay, buugga Eat That Frog! wuxuu kuu noqonayaa hagahaaga maalin walba si aad uga gudubto dib-u-dhigista una gaarto natiijooyin dhab ah.
Qaybta 1aad: Saddex Tiir oo Guusha Lagu Dhiso
Noloshu waxay la mid tahay safar dheer—si aad ugu guulaysato, waa inaad yeelataa saldhig adag oo maskaxeed iyo nafsi ah. Qaybta Koowaad ee buugga Eat That Frog, qoraaga caanka ah ee Brian Tracy wuxuu iftiiminayaa saddex mabda’ oo aasaasi u ah guusha qof kasta oo raba inuu noloshiisa horumariyo: Is-ixtiraam (kalsoonida nafta), Mas’uuliyadda shakhsiga ah, iyo Yoolal (hammiga iyo jihada nolosha). Saddexdan tiir waa tiirarka lagama maarmaanka u ah qofka raba inuu ka baxo caajiska, dib u dhaca, iyo hawl-kari la’aanta, una gudbo nolol wax ku ool ah oo miro dhal ah.
1. Is-ixtiraam (Self-Esteem)
Kalsoonida aad naftaada u hayso waa udub dhexaadka guushaada. Marka aad aaminto inaad mudan tahay inaad guulaysato, waxaad bilaabaysaa inaad si dhab ah ugu dadaasho. Is-ixtiraamku wuxuu abuuraa niyad iyo yididiilo. Haddii aad isku aragto qof qiimo leh, waxaad diyaar u tahay inaad wajahdo cabsida, aad ka qabto waajibaadka adag, oo aad sii waddo dadaalka xitaa marka aad la kulanto caqabado.
2. Mas’uuliyadda Shakhsiga ah (Personal Responsibility)
Mid ka mid ah farqiga u dhexeeya dadka guuleysta iyo kuwa guul-darraysta waa heerka ay u qaataan mas’uuliyadda noloshooda. Qofka guuleysta ma eedeeyo dadka kale ama duruufta, balse wuxuu oggol yahay in go’aamadiisa iyo ficilkiisu ay yihiin sababta uu maanta halkaas ugu sugan yahay. Markaad mas’uuliyadda noloshaada si buuxda u qaadato, waxaad gacanta ku haysaa fureha isbeddelka iyo horumarka.
3. Yoolal (Goals)
Yoolasha cadcad waa khariiradda nolosha. Iyaga la’aan, waxaad noqon kartaa qof hawlo badan qabta laakiin aan meel gaarin. Yoolasha waxay kuu sheegaan meelsha aad rabto inaad tagto, waxayna kuu sahlaan inaad diiradda saarto waxa muhiimka ah. Dadka leh yoolal cadcad waxay si fudud u kala saari karaan hawsha muhiimka ah iyo mida aan muhiimka ahayn. Yoolkaagu waa waxa kaa dhiga qof shaqadiisa "rahaha" maalin walba markiiba cunaya, si uu waqti badan ugu helo waxa run ahaantii noloshiisa horumarinaya.
Qaybtani waxay kuu diyaarinaysaa hab-fikirka guusha lagu gaaro. Kahor intaadan bilaabin inaad si joogto ah u qabato shaqada ugu culus (oo ah "cunista raha"), waa in qalbigaaga, maskaxdaada, iyo jihadaada nololeed ay ahaadaan kuwo dhisan oo toosan. Saddexdan tiir marka aad si dhab ah u fahamto una adeegsato noloshaada, waxaad dhisaysaa saldhig adag oo aad ku gaari karto riyadaada—ha ahaato guul shaqo, mid dhaqaale, ama mid shakhsiyeed.
Qaybta 2aad: Baro Sida Waqtigaaga Loogu Dhiso Qaab Wax-ku-ool ah
Mid ka mid ah siraha ugu weyn ee guusha waa in la barto sida waqtiga loo maareeyo. Qaybtan labaad ee Eat That Frog waxay ku baraysaa farsamooyin wax ku ool ah oo aad ku dhisan karto jadwal nololeed oo miro dhal ah. Hadii aad ahayd qof hawlo badan qabta oo aan gaarin wax natiijo ah,Waa halkii aad ka noqon lahayd qof si xikmad leh u qorsheeya maalintiisa oo ku socdo yool cad.
Brian Tracy wuxuu halkan ku soo bandhigayaa shaqooyin iyo xeelado aad noloshaada si dhameystiran u abaabuli kara—markaad ogtahay waxa ugu muhiimsan iyo sida loo kala hormariyo, waxaad si fudud u fulin kartaa shaqooyinka waaweyn adigoo aan dareemin culays weyn.
5. Qorshee Maalin Walba Kahor Intaadan Bilaabin (Plan Every Day in Advance)
Maalin kasta qorshee ka hor inta aadan bilaabin hawl maalmeedkaaga. Qor liis hawleed (to-do list) oo leh shaqooyinka ugu muhiimsan, uguna horreeya kuwa waaweyn. Qorshuhu waa jaranjaro kuu fududeynaysa inaad si tartiib ah u guurto una gaarto yoolka.
6. Baro Sida Waqtiga Logu Adeegsado Qaybo Gaaban iyo Qaybo Dheer (Study Strategically Using Long and Short Chunks of Time)
Waqtigaaga u kala qeybso si caqli ah: isticmaal waqtiyo gaaban si aad u qabato shaqooyinka degdegga ah, iyo waqtiyo dheer si aad u qabato mashaariicda waaweyn ama waxbarashada joogtada ah. Labaduba muhiim ayey u yihiin horumarkaaga.
7. Ku Darso Xeerka 80/20 Wax Walba (Apply the 80/20 Rule to Everything)
Xeerka 80/20 (Pareto Principle) wuxuu sheegaya in 20% dadaalkaaga uu bixiyo 80% natiijada. Baro inaad aqoonsato waxa aad runtii muhiimka ku ah, oo xoogga saar kuwaas halkii aad waqti ku lumin lahayd hawlaha yar yar ee aan miro dhalka ahayn.
8. Shaqada U Kala Jajabi (Slice and Dice the Task)
Marka shaqo ay kugu muuqato mid weyn oo culus, kala jajabi si aad u maareyso. U kala qaybi dhowr meelood yar yar oo la qaban karo, si maskaxdaada aysan u dareemin culeys weyn. Tani waxay kaa dhigeysaa mid si fudud ku bilaabi kara hawshisa.
Qaybtani waxay si toos ah kuu baraysaa sida aad maalintaada iyo maskaxdaada ugu diyaarin karto guul, adigoo isticmaalaya qorshe cad, istaraatiijiyad waxbarasho, iyo habeyn hawleed. Waa tallaabooyinka kuu sahlaya inaad si maskax furan u "cunto rahayasha" adigoo leh waqti, xoog iyo yool muuqda.
Qaybta 3aad: Baro Wax Aadan Xiisaynayn, Oo Weli Guul Ka Gaadh
Mararka qaar, waxaa lagama maarmaan ah in aad wax barato ama shaqo qabato oo aadan xiisaynayn. Tani waxay noqon kartaa cashar dugsiga ah, shaqo lagugu qasbay, ama hawl aan kugu farxad gelin. Laakiin Brian Tracy wuxuu ku tusayaa in aad weli si weyn ugu guulaysan karto hawlaha noocaas ah haddii aad fahanto waxa dhab ahaantii muhiimka ah—maskaxdaada, niyaddaada, iyo xulashadaada.
Qaybtani waxay kuu soo bandhigaysaa farsamooyin aad naftaada ku qancin karto, ku dhiirrigelin karto, kuna hagaajin karto si aad u qabato shaqooyinka adag xitaa haddii aadan jeclayn.
9. Ka Fakar Cawaaqibka (Consider the Consequences)
Ka hor inta aadan iska dhaafin shaqo ama barasho, is weydii: “Maxay noqon doontaa cawaaqibta haddii aan tan sameeyo—ama aanan samayn?” Dadka guuleysta waxay si fiican u fahmaan mustaqbalka ay ficilkoodu keeni doono. Tani waxay kuu sahlaysaa inaad ka gudubto caajiska isla markaana diiradda saarto waxa runti muhiimka ah.
10. Usoco Talaabo Talaabo (Take It One Mile Marker at a Time)
Ha isku dayin inaad hal mar ku guulaysato wax walba. U qaado hawshaada si tartiib tartiib ah—qeybo yaryar. Sida qof maratoonka ordaya, waxa ugu muhiimsan waa inaad sii socoto. Talaabo kasta oo yar waxay kuu dhoweyneysaa guusha guud.
11. Is Dhiirrigeli (Motivate Yourself into Action)
Ha sugaynin qof kale oo ku dhiirrigeliya—adigu noqo qofkaas! Ku hadal ereyo togan, xasuuso sababta aad hawshaas u qabanayso, kana fikir abaalmarinta ama natiijada wanaagsan ee kaa horreysa. Naftaada sii tamar iyo niyad sare.
12. U Qabo Shaqada Sikalinimo ah (Single Handle Every Task)
Markaad hawl bilowdo, ku dadaal in aad dhammayso iyada oo aanad kala firdhin una wareegin hawlo kale. Shaqo kasta oo si joogto ah loo qabto ilaa laga dhammaynayo waxay dhalisaa tayo, wax soo saar iyo qanacsanaan nafsiyeed.
Qaybtani waxay xoojineysaa muhiimadda ah in la yeesho is-kaaris, dulqaad, iyo niyad adag. Mararka qaar waxa guusha kuu keena waa shaqo aadan jeclayn—laakiin haddii aad fahamto sababta aad u samaynayso, aad naftaada ku hagikarto yoolka, una qaado talaabooyin yaryar, waxaad ka fiicnaan doontaa qof kasta oo kaliya sugaya “dhiirrigelin.”
Qaybta 4aad: Cadaadiska Guusha – Ku Noqo Qof Natiijo Keena
Si aad u noqoto qof guuleysta, ma aha in aad mar walba sugto xaalado “raaxo leh”. Qaybtan afraad ee Eat That Frog waxay kugu dhiirrigelinaysaa in aad naftaada ku abuurto cadaadis wax dhaliya—cadaadis kuu horseeda inaad dhaqso u dhaqaaqdo, naftaada u toosto, una noqoto qof si dhab ah u keenaya natiijooyin muuqda.
Brian Tracy wuxuu muujinayaa in dadka wax badan qabta aysan sugin in cadaadis dibadda ka yimaada lagu saaro—waxay iyagu si gaar ah naftooda ugu abuuraan rabitaan degdeg ah oo wax lagu qabto.
13. Naftaada Ku Dhiirrigeli Inaad Si Degdeg ah u Dhaqaaqdo (Develop a Sense of Urgency)
Wax kasta ka dhigto mid muhiim ah oo degdeg ah. Maskaxdaada ku tababar inaad si dhaqso leh u bilaawdo, una dhammayso shaqada. Dadka leh niyad degdeg ah waxay qabtaan wax ka badan inta dadka kale qabtaan.
14. Cadaadis Saar Naftaada (Put the Pressure on Yourself)
Ha sugin in maamule, macallin, ama qof kale kuu xakameeyo jadwalkaaga ama waxqabadkaaga. Adigu naftaada kala xisaabtan. Samee ballan-qaadyo adiga kuu gaar ah, kuna dadaal inaad dhamaystirto iyaga xitaa haddii aanay cid kale ku arkin.
15. Baro Sida Wax Loo Barto (Learn How to Learn)
Guusha joogtada ah waxay la xiriirtaa barashada joogtada ah. Faham sida aad si dhaqso ah wax u baran karto, ku celceli, akhri buugaag, dhagayso casharro, la tasho dadka aqoonta leh. Marka aad barato sida wax loo barto, wax walba oo kale way kuu sahlanaan doonaan.
16. Gaar U Aqoonso Xayndaabyada Ku Hortaagan (Identify Your Key Constraints)
Waa maxay waxa kaa hortaagan inaad guulaysato hadda? Waa aqoon la’aan, qalab la’aan, ama waqtiga oo kugu yar? Marka aad si daacad ah u ogaato waxa ku celinaya, waxaad si toos ah u ogaanaysaa waxa aad xallinayso si aad horay ugu socoto.
17. Diiradda Saar Meelaha Natiijadu Ka Timaaddo (Focus on Key Result Areas)
Waxaad u baahan tahay inaad ogaato meelaha aad shaqada ka qabato ee si toos ah u saamaynaya natiijada guud. Waxaa laga yaabaa inay yihiin iibka, xiriirka macaamiisha, ama tayada shaqada. Xoojinta meelahaas waxay keentaa horumar muuqda.
Qaybtani waxay kaa dhigeysaa qof aan ka cabsanin cadaadis—balse si caqli ah ugu adeegsada in uu u socdo guul. Tani waa halka ay ka bilaabato mas’uuliyad dhabta ah iyo wax-soo-saar sareka. Qofka wax badan qabta waa mid aan sugin dareen ama dhiirrigelin, balse leh ujeeddo, istiraatiijiyad, iyo ficil joogto ah.
Qaybta 5aad: Si Firfircoon Ula Tacaal Walbahaarka iyo Sababihiisa
Nolosha casriga ah waxay la timid fursado badan, laakiin sidoo kale walbahaar, jahwareer iyo mashquul badan. Qaybtan ugu dambeysa ee Eat That Frog waxuu qoragu diiradda ku saaraa sida aad si xikmad leh ula tacaali lahayd culayska nolosha, si aad u ilaaliso caafimaadka maskaxdaada, waqtigaaga, iyo wax-soo-saarkaaga.
Brian Tracy wuxuu halkan kugu barayaa in haddii aad horay uga fakarto waxyaabaha keeni kara cadaadis ama dib-u-dhac, aad ka hortagi karto dhibaatooyin badan oo kale, isla markaana aad si degan, caqli badan, oo firfircoon u shaqayn karto.
18. Si Wanaagsan U Diyaarso Kahor Inta Aadan Bilaabin (Prepare Thoroughly Before You Begin)
Diyaargarowgu waa furaha kalsoonida iyo guulsha. Markaad si buuxda isugu diyaariso shaqada, waxaad yareynaysaa khaladaadka, walbahaarka, iyo dib-u-dhaca. Diyaarso agabka, qorshaha, iyo xogta aad u baahan tahay kahor intaadan bilaabin hawsha.
19. Isku Duw Diiraddaada (Focus Your Attention)
Wax walba ha isku dayin hal mar inaad qabato. Waqtiyada shaqadaada u samee meel gooni ah, kana fogow waxyaabaha mashquulin kara. Marka aad si buuxda u diiradda saarto hal hawl, waxaad shaqadaas u qabataa si ka dhakhso badan oo tayo sare leh.
20. Tiknoolajiyadda Waa Addoon Xun (Technology Is a Terrible Master)
Haddii aad u ogolaato tiknoolajiyadda (sida telefoonka, emails, iyo baraha bulshada) inay ku taliyaan, waxaa kaa lumi doona diiraddaada, wakhtigaaga, iyo noloshaada. Ha u ogolaan inaad noqoto addoon tiknoolajiyeed. Laakiin haddii aad si xikmad leh u isticmaasho tiknoolajiyadda, waxay kuu noqon kartaa adeege awood badan. Isticmaal qalabka casriga ah si aad jadwal u sameyso, xasuusin u hesho, shaqo u dedejiso, ama xog muhiim ah u keydiso—laakiin adigu ha ahaato kan xukuma.
21. Ku Dhaqan Dib-u-dhigid Hal-abuur leh (Practice Creative Procrastination)
Ma aha wax walba oo muhiim ah. Baro inaad dib u dhigto waxyaabaha aan qiimo badan lahayn si aad u hesho wakhti dheeraad ah oo aad diiradda ku saarto shaqooyinka natiijada keena. Tani waa dib-u-dhigis caqli leh, oo wax-tar leh.
Gabagabo: Isku Soo Ururi Farsamooyinkii oo Dhan
Marka la isku geeyo dhammaan cutubyada buugga, waxaad helaysaa nidaam buuxa oo aad ku maareyn karto waqtigaaga, shaqadaada, niyaddaada, iyo yoolalkaaga. Eat That Frog wuxuu kugu baraarujinayaa inaad:
-
Aqoonsato shaqadaada ugu muhiimsan.
-
U diyaargarowdo si wanaagsan.
-
Ka hortagto caajiska iyo mashquulka.
-
Ku dhaqaaqdo ficil degdeg ah.
Isbedel muuqda ka sameyso noloshaada.
Guushuku ma timaado si kedis ah—waxay u baahan tahay niyad adag, qorshe cad, iyo ficil joogto ah.
Boggan waxa uu si joogto ah u daabacaa:
-
Soo koobidda buugaag qiimo leh oo kobcinaya maskaxda iyo noloshaada
-
Maqaallo cilmiyeed iyo falanqeyn ku saabsan mowduucyo kala duwan
-
Qoraallo diini ah oo kor u qaadaya iimaanka iyo fahamka Islaamka
-
Cilmi-baarisyo casri ah, akhrisyo la xiriira horumarka shakhsiga, iyo waxbarasho guud
Waxaad halkan ka heli doontaa mowduucto tayo sare leh ookuxisogaliya kana caawinaya horumarkaaga nololeed, diineed iyo maskaxeed.

